IL ROS - Innebandy

Leder: Bjørnulf Hannevold
Telefon: 903 60 846
Kontaktperson: Bjørnulf Hannevold
Telefon: 903 60 846

 

Jeg vil bli kontaktet av aktiviteten

Innebandy

Kubadan waa isborti koox oo ka dhaca garoon gudaha oo siman, waaxaana lagu ciyaaraha ul ka samaysan balaastig ama kaarboon. Kubadda la isticmaalo waa kubad yar oo balaastig oo godad yaryar leh. Garoonka waa 40 x 20 mitir waxaana ku hareersan ood dhererkeedu yahay 50 cm, oo geesaska ka wareegsan. Labada kooxoodba waxa ay leeyihin 5 ciyaartoy oo dibadda ah mid walbana waxa uu leeyhay goolhaye aan ul haysan.

Ciyaartan waxay inta badan ka kooban tahay saddex wareeg oo 20 daqiiqo ah, waxaana ciyaarta hoggaaminayo laba garsoore. Goolhayaha ayaa xiran maaskaro wajiga, waxaana ciyaartoyda dibadda ee da’doodu ka yar tahay 19 sano ay xirtaan muurayadaha indhaha. Xiriir ama jug adag oo dhow lama ogola, maadama ciyaartoyda dibadda aysan xirneyn qalab ilaalin ah. Waxay ciyaarta ku saabsan tahay inaad kooxda ka soo horjeedo gool ka dhaliso. Goolka waxaa lagu dhalin karaa Ul-sha kaliya waxaana loo ogol yahay goolhayaha oo kaliya inuu kubada gacmihiisa ku joojiyo. Kooxda dhalisaa goolasha badan ayaa badisa kulanka. Haddii uu jiro barbar dhac 3 wareeg ka dib, wakhtiga ciyaarta waxaa lagu kordhiyaa 10 daqiiqo. Haddii ay wali barbar dhac jirto, ciyaarta waxaa lagu go’aamin doonaa gool ku laad ama rigooro.

Velg språk

Aktuelt språk: Somali