IL ROS - Boksing

Leder: Tomm Sande
Telefon: 474 87 210
Kontaktperson: Tomm Sande
Telefon: 474 87 210

 

Jeg vil bli kontaktet av aktiviteten

Boksing

Feerka waa isbortiga dagaalka oo isku baxaan labo qof oo iska soo horjeeda. Ciyaaraha, ciyaartoydu waxay xirtan galoofyada feerka, tabaha legdinta ama isticmaalka lugaha lama ogola. Waa muhiim in la heesho koontarool wanaagsan oo jirka ah iyo xirfadaha sida iskudubbaridka, falcelinta iyo dhelitirka ayaa lagu xoojin karaa tababarka feerka.

Ciyaarta feerka waxay ka dhacdaa giraanta labajibbaaran oo ujeedadu tahay in la isticmaalo galoofyada si loo feero qofka ka soo hoorjeeda jirkiisa sare. Waxa jira tiro feer oo kala duwan oo aad isticmaali karto, sida jillaab, istaroog lulid iyo gooyn sare. Iyadoo ku xiran fasalka ciyaarta feerka waxay ka koobnaan doontaa 3-10 wareeg oo 2-3 daqiiqo wareeg kasta. Aalbiitaraha ku jira giraanta gudahiisa ayaa hogaaminaya ciyaarta, halka garsoorayaasha dhibcooyinka la dhigayo giraanta banaankeeda aay ka qiimeeyaan oo tiriyaan inta feer qofka la helo. Feeryahaanka ugu fiicaan wuxuu helauaa 10 dhibcood wareeg kasta kadib. Ciyaaryahanka wuxuu ku guuleysan karaa ciyaarta feerka dhibco ama inu qofka knockout ku sameeyo. Ku guuleysiga knockout waxay la macno tahay in ciyaaryahanku in uu feerka ku dhufto kan ka soo hoorjeeda oo dhulka dhigo ama uu ka dhiga mid aan karti u lahayn inuu kaco ilaa toban ilbiriqsi. Haddii feeryahankiu ku guuldareysto inuu sii wado, kan ka soo hoorjeeda ayaa guulaysta.

Velg språk

Aktuelt språk: Somali