Asker Skiklubb - Kajakk

Leder: Håkon Korsvold
Telefon: 990 19 143
Kontaktperson: Håkon Korsvold
Telefon: 990 19 143

 

Jeg vil bli kontaktet av aktiviteten

Kajakk

Kayak waa ciyaar madadaalo leh halkaas oo doon dheer oo cidhiidhi ah lo yaqaano kayak ku kaxaynayso biyaha. Kayak-ka, waxaad ku kaxaynaaysa ul dheer oo leh labo daraf. Kayak-ka waa jimcsi u fiican jidhka maadama labada lugood, gacmaha, calosho iyo dhabarka ay tahay in la dhaqaajiyo. Marka lga soo tago dhaqdhaqaaqa jireed, kayak-ka waa dhaqdhaaqaq dibadeed kaas oo ku siinaya khibrado badan oo dabiici ah.

Kayak waxaa loogu talagalay kuwa horumaray iyo kuwa bilawga ah ee da’kasta leh, halkaas oo heerarka kala duwan ee kayak sidoo kale lagu soo bandhigay. Haddii aanad laftaadu lahayn kayak, waxa aad ka kiraysan kartaa naadiga, kiradana waxa jira doonyo dadka bilowga ah oo fudud, doomaha dheereeya, iyo sidoo kale doomo ku haboon dadka naafada ah. Naadi kayak waxaa jira heerar dhaqdhaqaaq oo kala duwan, qaar tababarkooda waa biyo fidsan oo fudud, qaar ba dalxiisayaal ah qaarna waxay diirada saaraan tartanka marathon-ka. Sidaa darteed kayak waxay leedahay jawi furan oo loo dhan yahay oo qof walba lagu soo dhaweynayo.

Velg språk

Aktuelt språk: Somali