4H waa hay’ada qaranka oo dhan ee ay la jirto qiyaastii. 15,000 xubnaha dhalinyarada Noorweeyaan, lagu qeybiyay sadarada deegaanka oo wadanka oo dhan ah. Hadafka ee 4H waa hormarinta dhalinyarad firfircoon, masuul ah ee ka qeybgalo bulshada oo ixtiraam muujiyo oo dabiici ahaan iyo aadanaha. 4H waa meel aan loo ogoleyn diin gaar ah, aanan siyaasad aheyn, hay'ad aan faa’ido doon aheyn. Qiyamkooda muhiimka ah waa: madax cad, qalbi diiran, gacmo xariif ah iyo caafimaad wanaagsan.
Sida xubinta 4H, waad ka qeybqaadan kartaa howlo badan oo kala duwan, labadaba banaanka iyo gudaha, wareega sannadka oo dhan. Gudaha 4H, waxaad la kulmi kartaa saaxibo cusub, baratid wax ku saabsan dhirta iyo xayawaanada, ku soo biir dadka kale oo socodada, safarada, koorsooyinka iyo xiryaha, bulshada deegaankaaga, illaa wadanka ama dibada. Kooxyada waxay codsan karaan kubada laliska, geliyaan bandhigyada masraxa, ama fuulid aadaan. Qaarkood waxay aadi karaan socodada buurta ama safarada kaluumeysiga. Sida xubinta 4H, WAXAAD go’aansan kartaa nooca howlaha dabiiciga, dhaqanka, caafimaadka ama bulshada ee aad jeclaan laheyd inaad sameysid. Suurtogalnimada waa wax aanan dhammaaneyn, iyo kaliya waxay ku xadidantahay qiyaastaada. 4H waxay bixisaa howlo badan oo farxad leh, baashaal leh oo caqab ah. Ma jeclaan laheyd inaad nagu soo biirtid?