Hurum Sportsskytterklubb

Leder: Terje Vernly
Telefon: 982 28 173
Kontaktperson: Terje Vernly
Telefon: 982 28 173

 

Jeg vil bli kontaktet av aktiviteten

Skytterlag

Kooxda toogashada, waxaad heleysaa fursad aad ku tababarato xirfadaha toogashada oo wax ku ool ah adiga oo tooganaya bartilmaamedyo masaafo kala duwan. Toogashada, wiilasha iyo habluhu waxay ku tartamaan hal fasal, iyagoo leh shuruud isku mid ah oo lagu guulaysto. Halkan, tayada sida awoodda wanaagsan ee feejinaanta iyo xoogga maskaxeed ayaa muhiim u ah natiijo wanaagsan.

Waxaa jira jimicsiyo badan oo togashada oo xiiso leh goobo kala duwan, garoono, garoonka ski-ga, orodka kaynta, tiirarka, garoon degdeg ah iyo toogashada gudaha waa noocyada tartanka aad la kulmi doonto kooxda toogashada. Layliga dhexdiisa waxaad wax ku toogan qori yar oo xakamaysan ama baas ah, toogashada kala duwan ayaa muhiim ah. Toogashada safafka ah ayaa ka dhacda meelo kala duwan oo toohashada ah, halkaas oo kuwa ka hooseya 17 iyo kuwa ka weyn 65 ay ka toogtaan masaafo dhan 100 mitir, halkan kuwa da’da u dhexeeyo aay ka toogtaan 200 ama 300 mitir. Bartiilmaamedyada wa kuwa wareegsan waxaana lo qaybiyay dhibco 1-10 ah. Toogashada waxay ka dhacda goob banaanka ah oo kala masaafo duwan. Xilliga jilaalka, tartamada toogashada garoonada ayaa la qabtaa, halka xagaagana loo qoondeeyay toogashada banaanka. Kooxaha toogashada, xooga weyn ayaa la saaraya badbaadada macalimiintuna waxay had iyo jeer joogi doonan oo aay hubin doonan in xeerarka badbaadada lagu ilaaliyo goobta.

Velg språk

Aktuelt språk: Somali