Asker Skiklubb - Alpint

Leder: Thomas Ruud
Telefon: 997 18 849
Kontaktperson: Thomas Ruud
Telefon: 997 18 849

 

Jeg vil bli kontaktet av aktiviteten

Alpint

Ciyaarta barafka ee Alpine waa eray caan ah oo loogu talgay ciyaaraha barafka oo leh noocyo kala duwan. Waa ku ciyaarista shiiga oo ku socodka shiiga buuraha, waxaana lagu gartaa in kabaha ku wada xiran yihiin shiiga. Tani waxay ka duwan tahay ciyaaraha kale ee barafka sida shiiga lagu boodo, halkaas oo ciribta kabaha kor loo soo rogi karo. Ciyaaraha shiiga ee alpine ayaa ka bilowda buraha sare sidaas darteedna ah tartan hoos xoog loogu soo degaayo. Dariiqa tartanka wuxuu ka kooban yahay albaabo iyo caqaabado kala duwan oo ay tahay in ciyaartoydu ay dhaafaan ka hor intaysan gaarin xaqiiqda dhamaadka. Dhaqdhaqaaqa iyo isku dheelitirnaanta ayaa muhiim u ah tan.

Waxay ay ku saabsan tahay in sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah loogu tago xariiqda dhamaadka, iyo orodyahanka maamula wakhtiga ugu yar ee suurtogalka ah ayaa ku guulaysan tartanka. Xawaaruhu sidoo kale waa muhiim. Waxa jira dhow laamood oo kal duwan ee Alpine, halkaas oo qaar ka mid ah kuwa ugu caansan ay yihiin kuwa sig-saaga ah iyo super-G. Labadaan waa isku egyihiin oo labaduba waxa ku lug leeyihiin buur hoos looga so degaa oo leh dhowr albaab sida ugu dhakhsaha badan ee aad awooddo. Farqiga u dheexaya ayaa ah in albaabada super-g ee aay kala fog yihiin oo buurtana ka dheer tahay. Tartamada waaweyn iyo kuwa yar-yarba waa la qabta oo waad ka qayb qaadan karta halka ay suurtogal tahay in lagu ordo sig-saaga, suoer-G iyo kuwa kale ee alpine.

Velg språk

Aktuelt språk: Somali