Hurum Sjakklubb

Leder: Asle Magnus Lien
Telefon: 993 16 248
Kontaktperson: Asle Magnus Lien
Telefon: 993 16 248

 

Jeg vil bli kontaktet av aktiviteten

Sjakk

Shah waa ciyaar aad u da’weyn , laakin sidoo kale waa ciyaar tartan xirfadeed. Waxaa lagu qiyaasa in in ka badan 600 milyan oo qof ay ciyaaran shah-da adduunka oo dhan. Shah waxaa lagu yaqaana kakanaanta, sidaas darteed wa mawduuc daraasadaha baahsan, sugaanta gaarka ah iyo barnaamijyada kombuyuutarka oo xisaabiin kara malaayiin astaamood oo surtagal ah.

Shah waa ciyaar laba qof aay ku ciyaaran sabuurad laba jibaaran oo ka kooban 64 qayb, halkas oo ciyaaryahan walba uu hogaamiyo, ciidan u gaar ah oo ka kooban 16 xabo, Hadafka ciyaarta ayaa ah in la geliyo boqorka ka soo horjeeda weerar, si kan ka soo horjeeda uusan u qaadi karin tallaabo sharci ah. Boqorka markaa waa ‘’laga badiyay’’. Halki ciyaar waxaa lo yaqaana ‘’hal dhinac’’. Bilawga ciyaarta ciyaartoyga leh qaybta cad ah wuxuu bilaaba inuu kow dhaqaaqo, halki dhaqaaq waxaa lo yaqaana ‘’dhaqdhaqaaq’’. Markaa waa kan ka soo horjeeda ee wato ciidanka madow markiisa. Sidaas ayaay ku soconaysa marba qof baa dhaqaaqayo, iyadoo la raacayo xeerar gaar ah oo ku saabsan sida qaybaha kala duwan ay ugu dhaqaaqi karaan sabuuradda. Qaybaha ka soo horjeeda waa la garaacaa oo laga saaraa looxa iyaga oo raraya gabalkooda garoonka ay ku jiraan., xeerarka ciyaarta shah-da waa sahlan yihiin, laakin xeeladaha iyo khibrada ayaa noqon kara kuwa horumarsan.

Velg språk

Aktuelt språk: Somali