Asker Taekwon-Do Klubb

Leder: Roar Andersen
Telefon: 905 72 491
Kontaktperson: Bjørn Eirik Tronstad Baasnes
Telefon: 918 85 857

 

Jeg vil bli kontaktet av aktiviteten

ITF Taekwon-Do

Taekwon-Do waa erey Kuuriyaan ah wuxuuna macnihiisu yahay ”farshaxanimada ku dagaalanka gacmaha iyo lugaha” Taekwon-Do waxaa la isticmaalaa jidhkoo idil, waxaadna ka faa’iidaysaa awood, adkaysi, dhaqdhaqaaq fudud iyo wada shaqayn jirkaagoo dhan. Tababarkaa dagaaleed waxaa dheer oo laguusoo gudbinayaa akhlaaq iyo qiimaynta wanaagsan, iyo jawi aamin ah oo kusoo dhawaynaya. Taekwon-Do waa waxqabad noocyo badan oo xiiso leh. Tababarka waxaa loo qaabeeyey qaab ay da’a kastaaba xaaladeeda ku dareemi karto farxad xiliga waxqabadka. Uma baahnid inaad tababar leedahay kolkaad bilaabaysid, umana baahnid inaad aqoon hore u leedahay.

Waxaanu leenahay tababar Taekwon-do oo ku qaybsan da’da iyo kooxo lagu qaybiyey heerka qofka, tababarayaal aqoon uleh ayaa ku dhiiri gelinaya kuna caawinaya tababar kasta si aad u hanatid laqabsi iyo kalsooni. Maadaama ay Taekwon-Do ka tirsan tahay uruka isbortiga/ciyaaraha Norway, waxay ciyaartoydu fursad u helayaan inay ka qaybgalaan ciyaaro kulameedyo badan. Ciyaarta ITF Taekwon-Do waa ciyaar ay Norway meel fiican kaga jirto marka loo eego caalamka. Taekwon-Do tijaabinteedu waa bilaash, mana jiraan wax waajibaad ah oo ka ratibmaya tijaabinteeda.

Velg språk

Aktuelt språk: Somali