Haukelirennet

Leder: Trond Neri Flothyl
Telefon: 907 71 119
Kontaktperson: Geir Aslak Kastet
Telefon: 954 81 314

 

Jeg vil bli kontaktet av aktiviteten

Haukelirennet

Kusoo dhawoow dalxiis orodka Norway ugu farxada badan! Haukelirennet wuxuu ka mid yahay dalxiis orodyada faro ku tiriska ah ee Norway, waana orod aan shuruudo farsamo ku xidhnayn balse lagu dhex ordayo kaymaha cajiibka ah ee Hardangervidda. Waxaanu kuu haynaa fasalo ku haboon cidwalba hadii aad raacaysid koox wakhti loo qabanayo ama kuwo aan wakhti loo qabanaynin.

Dhererka orodka Haukelirennet waa 32 km. Fasalka hada firfircooni wuxuu uqaybsan yahay 5 marxaladood oo sanad ku salaysan waxaana loo qabtaa wakhtiga ay ku dhameeyaan orodka, isla meeshaa ayku ordayaan waxaa iyana ku lugeeya fasalka lugaynta oo hadii aad rabtid 18 ama 32 km ba ah, kuwan qudhooda wakhti ayaa loo qabtaa balse fasalo uma qaybsana. Dhalinyaradu waxay ka garab ordaan kooxaha orod yahanada ah ilaa 12 km. Goobta orodku ku dhamaado ayaa waxaa lagu qabtaa orodka loogu talo galay caruurta yaryar, waxaana caruurtaa dhiirigeliya soona dhaweeya boombaleyaasha Hauk iyo Eli. Fasalka tababarku waa u furan yahay da kasta, waxaadna socon kartaa intaad awoodid iyadoon wakhti laguu qabanayn. Dhamaan dadka is diiwaan geliya orodadan waxaa loo diyaariyey hadiyado. Waxaanu rajaynaynaa inaanu kugu aragno orodka Haukelirennet

Velg språk

Aktuelt språk: Somali