Kjekstad Golfklubb

Litt om Golf

 

Golf ku waa ciyaar ka kooban halgaadista kubad yar iyadoo la yaraynayo inta goor ee kubadaa la halgaadayo gudaha garoon cawseed. Sida caadiga ah wuxuu garoon cawseedku leeyahay 18 god, balse golfka waa lagu ciyaari karaa garoomo leh 6 ama 9 god. Waxaa la isticmaalaa ulo kala duwan si kubada loo gaadhsiiyo godadka kala duwan, iyadoo tuuryo dheer la tuuryeynayo ayna hawada galayso kuna soo dhacayso goobo ciyaareed cawska si saman loo jaray oo lagu magacaabo cagaarkii xaraynta ama (puttinggreen). Waxaa u dhexeeya godadka xanibaado kala ah meelo biyo fadhiisimo iyo carotuur ah si loogu adkeeyo ciyaarta. meelaha cagaarka xaraynta ama (puttinggreen) wuxuu ciyaartoygu ciyaarayaa halgaadis xarayneed, iyadoo kubadu ku dulundulcaynayso dhulka ayey ku xarootaa godka. Godkastaaba wuxuu leeyahay meel kubad halgaadista loogasoo bilaabo oo u jirta godka inta u dhexaysa 100 ilaa 550 mitir. Godkasta waxaa ka dhextaagan calan tilmaamaya godku meeshuu ku yaalo. Waxaa sida caadiga ah kubada lasaaraa kurtin yar kolka la halgaadayo. Laga bilaabi halgaada koowaad waxaa lasii wadayaa halgaadista kubada ilaa ay godka ka gasho, waxaana ciyaarta badinaya qofka tirada halgaadistu yartahay.

Golf ku waa ciyaar aad u bulshaawi ah halkaasoo aad ka helaysid dhaqdhaqaaq socod fiican isla markaana aad kula kulmaysid dad wanaagsan markaad dhamaystiraysid ciyaarta garoonka dhexdiisa. Ciyaartani waxay si wanaagsan ugu haboon tahay caruurta iyo dadka waa weynba. Shuruucda golf ku waa kuwo sahlan si loo barto. Golfku waa ciyaar loo ciyaari karo kali ahaan ama koox ahaanba.

Kontakt Kjekstad Golfklubb

Leder: Kim Anders Aas
Telefon: 920 20 314
Mail: post@kjekstad-gk.no
Kontaktperson: Bjørn Lohne
Telefon: 312 97 990
Mail: post@kjekstad-gk.no