Leder: Hans-Peter Lannerstedt
Telefon: 91 70 04 09
Mail: b@msen.no
Kontaktperson: Hans-Peter Lannerstedt
Telefon: 920 16 660

 

Jeg vil kontaktet av foreningen

Røyken MC-Ravn

Kooxda ku gaadh wareegta mootooyinka ee Røyken waa koox ka kooban rag iyo dumar , oo doonaya inay goob joog ka ahaadaan meelaha ay dhalinyaradu joogaan maal maha fasaxa ee sabtida iyo axada , si ay dhalinyaradu u dareemaan hasilooni xiligooda dhalinyaronimo. Kooxda wareegta ee MC-Ravn waxay dhalinyarada ku taageeri karaan inay dhagaystaan , talo siiyaan iyo inay dhalinyarada ka agdhawaadaan hadii ayba wax dhacaan. Kooxdani waxay ku dhex wareegaan degmada iyagoo mootooyin adeegsanaya waxayna banaanka ujoogaan ukhidmaynta dhalinyarada fiidadka maalmaha Jimcaha iyo sabtida iyo xiliga xagaaga. Xili dayreedkana way wareegaan ilaa dhulku bara fama saliito yeesho. Kooxda Røyken MC-ravn waxay kaloo sameeyeen geerash ay dhalinyaradu ka heli karaan caawimooyin fudud oo dayactireed ah, sida maydhista baaskiilada, nadiifinta silsilada baaskiilka, nadiifinka boorbeerinka, badalida balaagyada ama dayactirada yaryar ee kale.

Xarunta MC-Ravn waxaa markasta jooga dad waaweyn oo xiise gelin iyo farxadi ku dheehan tahay, waxayna kugusoo dhawaynayaan sharaab iyo pølser iyo canjeelo/laxoox (vafler) si talaado dhaaf ah, laga bilaabo saacada 6 galabnimo ilaa 9 habeenimo. Halkan waxaad ku akhrisan kartaa cadadkii ugu danbeeyey jariidadaha faaleeya mootooyinka, ama waxaad la sheekaysan kartaa kuwo kaloo wada mootooyin. Miiska bilyardigana aadbaa loo isticmaalaa waana fudud yahay, xaalada xaruntu waa mid farxad leh qosolkuna ku badan yahay, fadlan soo booqo xarunta Røyken MC-Ravn, waanu kusoo dhawaynaynaa.

Velg språk

Aktuelt språk: Somali