IL Ros - Badminton

Litt om Badminton

 

Badminton waa ciyaar xiliyada fasaxa ah meelkasta lagu ciyaari karo, laakiin Badminton ta ciyaaraha tartanka ah waxaa lagu ciyaaraa hoolasha guda ah. Ciyaaraha qaarna waa laba qof oo iska soo horjeeda qaarna waa 4 qof oo 2 iyo 2 isagasoo horjeeda. Badminton waa ciyaar teeniseedka kubadeed ee aduunka ugu dhakhsaha badan. Diiwaanka xawaaraha ugu sareeya aduunkuna hada waa 493 km saacadii. Badminton waxaa lagu ciyaaraa garoon dhererkiisu dhan yahay 13,4 mitir, qalabka la isticmaalayaana waa gacanta teeniska (racket) iyo kubad yar oo u’eg shabaq baal shinbereed. Ciyaartu waxay u dhacaysaa qaab ah in kubadaa loo halgaado horey iyo gadaal iyadoo la dhaafinayo shabag meel dhexe ah, kubaduna waa inaysan taaban dhulka halgaadaha dhexdooda.

Ciyaartu waxay ku bilaabmataa wax lagu magacaabo soo baasid (serve). Ciyaar iswaydaarsigan waxaa lagu kala badiyaa kolka uu qofka kula ciyaaraya ka gaadhiwaayo inuu kubadaa dib kuugusoo celiyo ama ay kaga dhacdo meel garoonka ka baxsan. Labada ciyaareba waxay helayaan dhibco baas kasta iyadoo aysan ku xidhnayn kii baaska soo bilaabay. Qofkii badiya baaskaa ayaa soo tuuraya baaska ku xiga oo ciyaarta bilaabaya. Badminton ciyaarteedu waxay ka kooban tahay sadex wareeg oo ilaa 21 dhibcood ah, iyadoo wareegiiba ay tahay in lagu kala badiyo 2 dhibcood. Qofka ugu dhibcaha badan 3 wareeg ayey guusha ciyaartu raacaysaa. Badminton waa ciyaar aad u sahlan ayna fududahay sida loo barto. Badminton ciyaareheeda sare waa ciyaar kulul oo ciyaartoyga uga baahan adkaysi, awood iyo gacan fudayd. Waxaa kaloo muhiim ah in wada shaqaynta isha iyo gacmuhu fiican yihiin iyo farsamo fiican. Caruur iyo dadka waaweynba way ciyaari karaan Badminton.

Kontakt IL Ros - Badminton

Leder: Ola Bård Langlo
Telefon: 90 12 12 11
Mail: olabard@gmail.com
Kontaktperson: Kim Antonsen
Telefon: 93 41 61 65
Mail: kim-anto@online.no