IL ROS - Basket

Leder: Bjarte E. Grostøl
Telefon: 917 12 847
Kontaktperson: Bjarte E. Grostøl
Telefon: 917 12 847

 

Jeg vil bli kontaktet av aktiviteten

Basketball

Kubada kolaygu waxay ka mid tahay ciyaaraha ugu caansan aduunka. Kubada kolayga waxaa lagu ciyaaraa garoon baaxadiisu tahay 28 mitir dherer iyo 15 mitir balac. Labada gees ee garoonka waxaa ka lusha salad dhulka ka saraysa 3.05 mitir. Laba kooxood oo kooxdiiba 5 qof ka kooban tahay ayaa isla ciyaara 4 wareeg oo wareegiiba 10 daqiiqo yahay. Ciyaartoydu waxay isticmaalayaan gacmaha oo ay kubada dhulka ku celcelinayaan si ay ula dhaqdhaqaaqaan kubada calaamadaha garoonka dhexdiisa. Waxay kaloo isticmaalayaal ciyaartoydu inay isu baasaan kubada si ay u haboonaato weerar qaadista iyo difaacistuba.

Ulajeedku waa in la helo dhibcaha ugu badan (goolasha) marka wakhtiga ciyaartu dhamaado. Ciyaartoydu waxay heli karaan 2 ama 3 dhibcood markay kubada ku ridaan kolayga, iyadoo ay ku xidhan tahay kolba meeshay garoonka ka taagnaayeen kolkay soo tuurayeen. Waxay kaloo ay heli karaan 1 dhibic hadii inta rigoodhe loo dhigo ay kubada kolayga ku ridaan. Inkastoo ay badan yihiin qawaaniinta ciyaarta kubada kolaygu hadana waa ciyaar sahlan si loola qabsado, waa ciyaar dhakhso iyo farsamo badani ku jirto, iyadoo sida badan dhibco (goolal) badan la kala yeesho.

Velg språk

Aktuelt språk: Somali