Asker Kulturskole

Leder: Ta kontakt med Asker kulturskole
Kontaktperson: Ta kontakt med Asker kulturskole

 

Jeg vil bli kontaktet av aktiviteten

Asker Kulturskole

Toddob kasta, ku dhawaad 2,000 oo arday ayaa wax-bariddooda ka hela dugsiga dhaqanka ee Asker, si gaar ah ama koox-koox ah, toddobaadka dugsiga dhaqanka waxa ka buuxa waqtiya qaali ah oo aan tiro lahayn. Mararka qaarkood kuwani waxay ka dhacaan fasalka dhexdiisa, marar kalena hoolka masraxa, hoolka riwaayadaha, hoolka qoob ka ciyaarka, gallery ama guriga marka aay arday cashirka ku celcelinayaan. Shuruudaha ugu muhiimsan ee looga baahan yahay inay taasi dhacdo waxay ku jirtaa qaab-dhismeed badbaado leh oo ay macallmiinta dugsi-dhaqameedku u fudiyaan waxbarashada, xidhiidka wanaagsan ee u dhexeeya ardayga iyo macallinka oo aan ugu yarayn karti-xirfadeedka adag ee macalimiintu leeyihiin, labadaba fanaaniinta iyo barayaasha.

Iskuulka dhaqanka ee Asker waxa ay leedahay barnaamijyo waxbarasho oo badan oo dhanka masraxa, fanka muuqaalka ah, qoob ka ciyaarka iyo muusiga, gaar ahaan carruurta iyo dhalinyarada da’doodu u dhaxayso 0-19 sano. Dugsiga dhaqanka wuxuu kaloo qabanqaabiyay waxbarid. Anaga hadaan nahay dugsiga dhaqanka ee Asker waxaan balan qaadi karnaaa karti, farxad iyo waqti qiimo leh. Ku soo dhawoo fanka!

Velg språk

Aktuelt språk: Somali